The Warsan
Uncategorized

Dalxa oo buuxiyey booskii uu banneeyey Guulwade

Muqdisho; Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa loo magacaabay booskii la sheegay inuu iska casilay Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade).

Danjire Cabdiraxmaan Guulwade ayey dowladdu sheegtay inuu iska casilay xubinihi Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland. Danjiraha ayaa qiil u sameeyay hawlgalkii Ciidamada Militariga Somaliya ee Gobolada Waqooyi (Somaliland), sanadkii 1988-kii.

Cali Axmed Jaamac (Jangeli), Afhayeenka Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa sheegay inay ka xun yihiin hadalka ka soo yeedhay Danjire Guulwade, isla-markaana uu yahay mid isaga uun ku kooban, isagoo gudiga isaga tegay 8-dii bishan, lagana aqbalay 9-kii bishan.

Jangeli ayaa carrabaabay inaanu Danjire Guulwade ka tirsanayn Guddiga Wadahadalada, markii uu jeedinaayay hadalkiisan uu ku sheegay inay sax ahayd duulaankii Dowladdii Dhexe ee Gobolada Waqooyi, isagoo intaa ku daray in booskiisii toddobaad ka hor loo soo magacaabay Xildhibaan Dalxa.

“Guddiga xubin kama aanu ahayn markii uu hadalkan jeedinaayay, waxaana bedelkiisii la magacaabay Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa lagu soo bedelay.” Ayuu yidhi Jangeli.

Related posts

Somaliyey dood baan ka qabaa in aad ku faraxsantay-Waayo?

nur

Turkey asked INTERPOL to arrest Dahlan

warsan

warsan