The Warsan
Cover

Dal-jeclaantu Maguurto Maaha EE Waa Ababin

Cali Cabdigiir (Caliganay);

caliganay54@hotmail.com

Laba geed oo midna lagu beeray magaalada Galdogob sannadkii 2002 iyo ka kale oo isna lagu beeray Hargeysa 1999. Juun, 2019, ayaan ka Galdogobeed, waxa aan hooskiisa ku fariisannay 15 qof dad ka badan. Haddeertan, dhuun biyo ah oo laga cabbo baa salka ugu jirta. Midka Hargeysa ku yaal hooskiisu waxa uu deeqaa labaatameeye qof. Laboda geedba waxa ay helaan daryeel wanaagsan—weliba waxa ay ka maarmeen waraabin. Xididdadoodu waxa ay gaareen  qoyaan joogto ah. Laamaha hoos u soo liica waa laga jaraa, si ay kor ugu sii baxaan una ballaartaan. Sawirradooda anaa teelkayga ku qaaday Juun, 2019—kolkaas oo aan tamashle ku marayey qaybo Soomaaliya ka mid ah.

Dal waxaa dhista ama dumisa dhallintiisa.” Hantida ugu wanaagsan oo dal haysto waa dadka. Ababin  iyo aqoon-u-yeelidba, haddii aan sida geedahaas loo daryeelin, daljeclaantu maguurto ma aha.

Xaliimo-Sacdiyo miyi ayey ku dhalatay kuna barbaartay. Toban wax baa u weheshay kolkii ay magaalo soo gashay. Ma aqoon qoritaan iyo akhris toona. Nolosha miyiga aad bay u nebcayd mana helin fursad aan taas ahayn. Hoodo wanaag, hooyodeed oo magaalo wax ka taqiin ayaa ugu dambayntii noloshii miyiga ka soo uruursatay. Gashaantidu aad bay ugu riyaaqday in hooyo magaalo soo dejiso.

Imminka, Xaliimo-Sacdiyo waa hooyo waana xaas. Labodaas milgo in nolosheedu ku ekaato waa ku qanci weyday. Hadda, waa ardayad ka baxaysa safalka 12aad ee dugsiga sare. Waa saddex xil oo mid kasta iskiis halgan u yahay. Hawl fudud ma aha waxayna aragtay ama maqashay dad magaalo ku soo galay in ka badan filkii ay iyadu ku soo xerootay. Qaarkood waxa ay soo xeroodeen abaartii Baastaalay oo ahayd 19

Dabodheer ee 1974. Ilmo badan oo kolkii reerohoodii cayr noqdeen magaalo u dalaabeen, maanta waa aqoon yahanno.

Soomaalida dantu magaalo keentay dabadeedna ilmahooda  aqoon u yeelay tiro lagu ma soo koobi karo. Inta xigaalo miyi ka soo kaxaysay oo wax bartay iyana aad bay u badan yihiin. Waxaa jira iyana kuwo iskorisnimo aqoon isugu yeelay. Dhammaantood waa dhuuxa iyo maanka dalka.  Qudhaydu, aniga oo labolixaadsaday, filkii aan jaamacad uga bixi lahaa iyo hodhodho’ ayaan dugsi sare uga baxay. Waxa aan higsanayey dhakhtar Lo’le, duuliye-Geeljire (mid lo’ ama geel soo raaci jirey dabadeedna heerkaas aqoon ka gaaray baan u jeedaa ee cid gaar ah uma jeedo) iyo inta la halmaasha. Kuma hungoobin dayoshadaas kumanyaal baana waddadaas hortay qaadday.

Si kastaba ha ahaatee, sooyaalkaasi waa u tusaale iyo dhiirrigelin Xaliimo-Sacdiyo. Raadkaas oo caan ku ah dhaqanka Soomaalida bay ku joogtaa. waxaa ka go’an in ay aqoon sare yeelato. Si fudud uguma dhalan maalinba ta xigtana waa ku sii cuslaanaysey—welibana kow iyo labo toona uma joogto.

Hooyodaasi xinkaas iyo himilodaas ayey waxbarasho ku bilowday. Meel kasta ha uga noolaato geyiga Soomaalida, balse aqoonteeda waxaa u aayi kara deegaan kasta oo Soomaaliyeed—amaba meel kale oo dunida ka mid ah. Waa Soomali. Waa abobiyaha ilmo Soomaaliyeed. Waa madaxda, baraha, dhakhtaradda, xisaabiyaha ama kaalin-kale-hayaha berrito. Waxa ay ka mid noqonaysaa aqoon yahannada koonka.

Waxa ay u baahan tahay aqoonsi ama shahaado dunida kale aqoonsan karto. Uma qalanto in imtixaankeeda fasalka 12aad siyaasad la gesho. Danaha bulshada Soomaaliyeed waa in laga koriyaa hardanka madaxda 64—1965, Soomaaliyeed ee oranaya: Haddii aan taladayda la qaadan halakaynta aayaha dhallinta Soomaaliyeed baan hiil ka dhiganayaa.

Haddiiba aan nur-dugsiyeedkan dib loo dhigin xanuunka Covid-19 darti, Xaliimo-Sacdiyo iyo kumanyaal kale waxaa loo diyaarshay in ay u fariistaan imtixaanka looga  gudbayo fasalka 12aad, dhammaadka bisha Abriil (5aad), 2020. Juun 2020 dhammaadkeeda baa hadda laga sharqaminayaa, lamana hubo in ay suure noqon doonto. Hase yeeshee, dulucdu, hadda intaas waa ka weyn tahay. Mar kasta, Murwadu waa in ay ka sodcaasho magaalada Galdogob oo Gaalkacyo Waqooyi-bari uga jirta 75—90 Km. Waxa ay gabadheeda u xambaarsan doontaa Maammulka Galmudug ee Gaalkacyo, si ay halkaas ugu soo gasho imtixaanka. Sidaas oo kale, boqollaal arday baa iyana ka tegi doona magaalooyin badan oo Buntilaandi ka tirsan. Ardayga sidaas loo dhibayo daljeclaanta ku beermaysa waa barxan tahay.

Bilowgii burburka Soomaaliya oo 30 dabshid ka badan maraya, 50% in ay wax qori-akhriyina karto ayaa maammulkii askartu ku faani jirey. Kaba soo qaad in ay ka badbadinaysay, balse, maanta 2020, 38% (World fact book) ayaa wax akhrin karta. Taas qudheeda kolka la sii kala qaado, labka 50% baa wax akhrin karta—halka dheddigga 26% bes wax akhrin karto. Haddii aan hoos u sii degno, bulshada Soomaaliyeed ee qaska ka soo doogaysa hablaha baa caynshay welina gacanta ku haya—meesha nimanku ku faanayaan haddii aan talodayda la tixgelin mid sirgaxanba ha ahaatee, gow ma leh.

Kolka la tixraaco www.world.bymao.com, World Fact book, ama www.en.wikipedia.org, dalka dadkiisu 100% wax qoraan waxna akhriyaan waa Korea.  Tusaale ka qaado sidii uu durba u xakameeyey Covid-19. Si kasta oo aad  u jeclaato in aad aragto baaritaan aqoonta Soomaalida ee gudaha ku dhaqan kor u qaadaya, haddana, dhanka liidashada bay 7aad ama 8aad ka geleysaa. 38% baa wax akhrin karta sida aan soo taabannay. Waxaa ka liita Niger 19%, Koofurta Suudaan 27%, Afganistaan 37%, Burkina Faso 37%, Mali 38% iyo Chad 38%.  Weliba, marar baa Chad laga kor marshaa Soomaaliya. Horumarka dal ku tillaabsado waxa uu u dhigmaa aqoonta dadkiisa, waxaana marag-ma-doonto ah halka  Soomaaliya ay maanta joogto. Adba baaristaada samee. Tusaale. 50 qof oo lix jir iyo ka kor ah mid walba weyddii in uu wax akhrin karo. Ha kala dooran mid geel ceelka keenay iyo mid jaamacad ka baxay, amaba lab iyo dheddig. Ma noqonayso aqoon-baaris sugan, balse celceliska aad hesho waxun dareen ah ka qaado.

Maanta, 2020 waxaa dibedda Afrikada-Bari ku nool 2 malyan iyo dheeraad, oo uskunkoodu Soomaali ka soo jeedo (The Genesis of Somalia’s Anarchy by Ali Abdigir, December 2019, page 40, ISBN: 9781091869363.)—oo in badan oo ka mid ah ay meelahaas ku dhasheen. Soomaalidaas qurbaha ku dhaqan, 80% ka badan baa wax akhrin karta. Dhiig ahaan kama wanaagsana kuwa gudaha ku dhaqan ee fursad bay heleen—isla markaasna meelahaas ay u dalaabeen waxaa xeer ka ah in aad wax qori akhriyina karto. Bulshadaas laboda malyan ka badan waxaa ka soo baxay xeeryahan Axmed Xuseen, wasiirka Dhallaanka iyo Qoyska ee dalka Kanada awalnna ahaan jirey Wasiirka Sodcaalka iyo Jinsiyadaha (Canadian Cabinet ministers of Justin Trudeau). Aqoon kolka laga hadlayo, dugsi sare iyo ka kor, Kanada waxaa lagu daraa shanta kore, oo Jabbaan iyo Israel ka mid yihiin.

Xildhibaanad Ilhaan Cumar ee dalka Maraykanka iyana waxa ay doorasho ku gashay aqalka mudaneyaasha (Congress). Cabdi Warsame isna waa xubin gole Deegaan ee magaalada Miniyaaboolis (Minneapolis) ee dalka Maraykanka (www.youtube.com: warbaxinta Cabdisalaam Hereri ee Minneapolis). Yusud Cabdi waxa uu PHD ku haystaa xisaabta waxa uuna Barafasoor ka yahay  Rutgers University ee New Jersey, muddo ka

badan 24 dabdhid. Ilhaan Cumar, Axmed Xuseen, Cabdi Warsame iyo Dr. Yusuf Cabdi qoysaskooda baa kala soo cararay dagaalka sokeeye ee Soomaaliya. Waxaa lagu soo dhaweeyey Waqooyi Ameerika waxaana lagu dhiirriyey in ay noqon karaan waxa ay jecel yihiin. “Sky is the limit (cirka un baa ku celin kara)) ayaa wax badan dhegaha looga addimay. Waxaa jira kuwo kale oo aqoon, dadaal iyo dooraasho ku tegey jegeda ay hayaan, oo magacyadooda aanan halkan ku soo koobi karin. Haddana, waxaaba yar jaamacad waqooyi Ameerika ku taal oo bare uskunkiisu Soomaali yahay uusan wax ka dhigin. Qaarkood gudaha Soomaaliya ayey aqoon sare ku yeesheen kolkii beelaysi iyo eexasho lagu dhibay ayeyna toloobeen—waxaana soo dhaweeyey dalal carruurtooda aqoon la jecel—oo Soomaalidaasi bareyaal u noqdeen.

Waxaa jirta hees (www.youtube.com) ay qaadaan Kooxda Xiddigaha Geeska. Waxaa miroheeda ka mid ah:

Soomaali duntoo—Duntoo Dunidii ka hartee

Marun isku daya inaad demisaan dabkaas dhexdeeda ka oogan.

Xusuus: Waxa ay heesta ka qaadeen magaalada Jigjiga 2019.

 Waxaa jirta iyana hees (www.youtube.com ) kale oo kooxdu qaaddo oo oronaysa:

Afkaygow qolo iyo qabiil ma tihid

Qof gaar kuu lihi ma jiro/jidho

Jabuuti qiimahaaga weeye

Jigjiga quruxdaada   weeye

Gaarisa qaydkaaga weeye

Muqdisho qoristaada weeye

Hargeysa qaamuuskaaga weeye

Boorama qalinkaaga weeye

Boosaaso qiyaastaada weeye.

 Kolba, anigu waa jeclahay waana hubaa in cid kale dareenkaas ila wadaagi doonto haddii ay dhegeysato. Waa guubaabo iyo xusuus sooyaaleed intaba.

Dhallinta Soomaaliyeed reer gaar uma aha. Dal waxaa dhista ama dumisa dhallintiisa.  Waxbarashadoodu qolo ama gobol gaar uma laha. Danaha bulshada Soomaaliyeed waa in laga koriyaa hardan siyaasadeed. Daljeclaantu maguurto ma aha ee waa la beeraa. Dhallaanka ha la dhiso iyaga ayaa dalka dhisayee.

Afeef: Maqaallada ku soo baxa boggan waxa masuul ka ah qoraha soo bandhigay, sidaa awgeed boggan marna masuuliyadi kama saarana, siyaasaddiisana saameyn kuma laha.

 

Related posts

Writing Piracy in Somalia: Who Controls the Narrative and How?

warsan

Bold move to reset a long-term plan for Somali’s future

warsan

Hunger grips Yemen and the war continues to rage

warsan