The Warsan
Property and Investment

Dagaal Tuko-raq iyo ka Ceel-afwayn maxay wadaagaan?

Labada dagaal waxay ka taagan yihiin isku maandhaafsanaan gacan ku haynta dhul. hadaba dhulkan maxaa yaala?

labada deegaan ee la isku hayo waxa lagu tuhunsanyahay macdan dabeeciya, gaar ahaan saliid. Somaliland waxay isku daysaa in ay gacanta kusii hayso goobo hore ciida-mudu ugaadheen lana filaayo in saliid badani ceegaagto. Halka Puntlandna u aragto hanti baaxad leh oo aanay suurogal ahayn inay gacantooda kasii maqnaato. Halkaas oo kale waxa iyaguna kala taagan labada beelood ee iskuhaya deegaanada Ceel-afwayn.

Dagaalada khayraadka macdanta ku salay-san yaa dabada ka riixa yaase ku khasaara? had iyo jeer dhulka macdanta qaaliga ah leh waxa xasaro iyo colaado ka abuura shirkadaha waawayn ee reer galbeedka, gaar ahaan kuwa yuhuuda.

Sida ay ka sameeyeen meelo badan oo caalamka mid ah sida Siralyoon iyo Congo. Colaadaha iyo dagaalada oo kaliya kuma koobna talaabooyin dhagaraysan ee ay isku dayaan inay ku dabar-jaraan dadka alle ku abuuray dhulka barwaaqada ah ee waxay ugu daraan sumayn iyo waliba cudura kala duwan sida AIDS iyo Ebola.

Waxaana halkaa ku khasaara oo dayac iyo darxumo ay gaajo iyo cudur u horeeyaan ku dhamaada kuwii ay ahayd inay barwaaqo iyo barqo-dhereg ku noolaadaan.

Haddaba ma odhan karaa waxa ina soo gaadhay mashruucaas iyo qorshayaashaa dhagaraysan? waxa muuqda timaamo iyo cadaymo badan oo sheegaaya jiritaanka arrin-taas iyo waliba dhoohnaanta dadkeena aan dhaafsiisnayn tola’ayda iyo hebel ku xumee. malaga yaabaa inaan isku-dhamayno dhuuni aynaan calfandoonin?!

nimcada dhulkeena taalaa way inaga badan-tahay haddaan caqli fayow iyo dhug lahaansho ku darno.Haddii taa la waayona nimcadu waxa cad inay nuqsaan iyo kadeed isubedelayso. Inagaana doorashada leh labada dariiq kaan qaadayno.

Mohamed Hussein(Samadoon).

Related posts

SOMALIA’S REFORM MOMENTUM: THE MAKING OF STABLE ECONOMY

nur

THE CASE OF USA DRONES IN SOMALIA

warsan

Somali women take on South Africa’s property market

warsan