19.7 C
New York
July 24, 2019
Opinion Popular

DA’DA GUURKU WAA I IMMISA

 

 

Qaan- gaarnimadu waa mid jismiga ah sida in qofku gaadho waqti uu wax dhali karo iyo mid caqliga ah sida in qofku gaadho waqti uu go’aan qaadan karo. Labadabana waxaa shardiya in qofku awood buuxda leeyahay waqtiga uu wax dhalayo ama uu go’aan qaadanayo, sida Alle yiri: “Ha u dhowaanina maalka agoonka ilaa uu ka xoogaysto markii laga reebo wixi bannaan in si xaq ah lagu cuno (suuradda al-Ancaam: 152).

 

Shuruudaha guurka, waxaa ka mida in labada qof mid waliba wax dhali karo sidaa darteed ma bannaana in la guursado qof aan wax dhali karin, qofkii qaan gaadh ahna ma bannaana inuu wax dhalid bilaabo isaga oo ka yar 15 sano. Maxaa yeelay, waxaa dhiman shardiga ah in qofku jismi ahaan awood u leeyahay inuu wax dhalo, waana midda keentay in gabdhaha yar yari umul-raacaan marka ay dhalaan ama jugi gaadho habeenka u horraysa ee la arooso, kadibna ay dhintaan ama silcaan.

 

Marka uu qofku awood u yeesho inuu wax dhali karana, waxay u kala baxdaa muddo ku habboon iyo mid aan ku habboonayn. Midda aan ku habboonayn, waa inta u dhaxaysa 15-20 iyo marka uu qofku dhaafo 40 sano. Midda ku habboonna waa inta u dhaxaysa 20-40 sano, sida Alle yiri: ”Inta uu caloosha ku jiro iyo muddada laga joojiyo nuujinta waa 30bil, ilaa uu ka xoogaysto kana gaaro 40sano… uuna yiraahdo Allow ii hagaaji durriyadayda (Al-Axqaaf: 15).

 

Aayadahaan i, waxay xaddiday muddada ka horraysa guurka, waqtiga uu guurku ka bilawdo, oo ah marka uu qaangaaro xooggiisuna buuxsamo iyo waqtiga ku habboon inuu joojiyo wax dhalidda.

Maxaa yeelay inuu ku ducaystay, marki uu 40 gaaray in Alle u hagaajiyo carruurtiisa, waxay calaamad u tahay inuu dhalay, wixii awlaada, ee la rabey inuu dhalo oo dhan, in la is raaciyey muddada uuna qaan- gaarin iyo midda uu qaan gaaray. Laakiin uuna xoogaysanna waxay calaamad u tahay inay jirto muddo qofku qaan gaadhay laakiin ayna bannaanayn in loo guuriyo.

Wax dhalidda iyo in qofku masuuliyad qaadi karo, maaha laba arrin oo isku xiran mar walba.

Maxaa yeelay, qofkii wax dhali kara ama shaqayn kara, waxaa wakiil ka noqonaya ehelkiisa ama ciddii masuul ka ah haddi uuna lahayn caqli ku filan. Sidaa darteed daruuri maaha in lala sugo sannad xaddidan sida 18, 20 iwm.

 

Laakiin, wixi caqli ku xiran, sida in qofka maalkiisa lagu wareejiyo ama inuu darawal noqdo iwm, waxaa qofka loo dhiibi karaa waqtigii uu awood buuxda u yeesho oo keliya. Dadku isku aqoon iyo isku akhlaaq ma noqon karaan, sidaa darteed waxaa habboon in qof walba loo qiimeeyo waqtiga uu masuul noqon karo sida 16, 18, 20 sano iwm. Haddii cidda wax qiimaynaysaa ay tahay waalid sida Alle yiri; “intixaama agoonta ilaa inta ay ka gaaraan waqtiga guuurka, haddii aad ka heshaaan, hanuunna u dhiiba maalkooda (al-Nisaa: 6).

 

Haddiise cidda wax qiimaynaysaa ay tahay dawlad, waxay wax ku qiimayn kartaa inay wax ku dhisto sida qaalibka ama dhexdhexaadka ah, maadaama ay maamulayso dad aad u badan, oo ayna suragal ahayn inay hal hal u qiimayso, taasoo daruuri ka dhigaysa in qaan- gaadhnimada xagga jismiga ah iyo tan xagga caqliga ah isku waqti laga dhigo. Sida qaalibka ah, 15-20jir, waxaa dhexdhaxaad u ah 18jir.

 

Sidaa darteed dawladaha wax ku dhisay 18jir, waxay asiibeen sida ugu saxsan. Wixii cilmi ah ama xikmad ahna cid walba waa laga qaadan karaa innaga oo og in waxa la xaddidey uu yahay wax bannaaan ee uuna ahayn wax laasim ah. Sidaa darted, ciddii ka dhigata 17jir ama 19 jir way u bannaaan tahay.

 

Laakiin, waxaa fiican in dastuurka lagu qoro in qofku ku guursan karo 18jir iyo wixii ka badan sida qaalibka ah. Maxaa yeelay, waxaa jira xaalado khaasa, sida inay jiri karaan gabdho gaadhay 15 sano ama ka badan, oo aan haysan fursad shaqo iyo mid tacliin dawladduna ayna kafaalo qaadi karin, laakiin, waa in loo shardiyo ninkii ku guursanaya 18jir, ka hor inuu haysto maal fiican, inuuna ka dhalin wax ka badan 3 cunug, inuu dhasha kala fogeeyo iyo inuuna u diidin wax barashada.

 

Meelaha ay ku badan tahay guurka gabdhaha yar yari, waa meelaha ay tacliinta iyo noloshu hoosayso sida qaalibka ah, sida tuulooyinka, baadiyaha, beeralayda iyo xaafadaha ay dan yartu degto iwm. Sidaa darted, wixii qawaaniin ah ee la soo saaro waxay waxtar yeelan karaan, hadidi dadka wacyigooda iyo noloshooda kor loo qaado.

 

Cabdullaahi Aw Xasan

Related posts

THE NGOS HAVE A MORAL DUTY TO LEAVE SOMALIA BETTER THAN THEY FOUND IT

warsan

Noocyada hogaaminta

gradadev

SOMALIA’S PETROLEUM LAW

gradadev

Leave a Comment