The Warsan
Economics

Dabar: “Inaan Ka Dhabeynno Himmil-lada Madaxweynaha Ayaa Naga Go’an”

Shidaalku, waa mashiinka roga dhad-haqaaqa howlaha nolosha Aadanaha ee maanta. Guud ahaan tamartu, waxay door muhiima ku leedahay horumarka

dal kasta oo dunida saaran. Cabirka horumarka dalka la saarana, waxa ugu horreeya awoodda tamarta ee dalkaasi leeyahay. Warshado waa weyn dalku ma yeelan karo hadduusan heysan tamar ku filan. Tamarta meelo badan ayaa laga dhaliyaa, warshadaha Niyukaleerka ayaa laga helaa tamarta ugu badan ee dunidu intic-maasho. Hayeeshee, shidaalka oo inta badan ah gaaska iyo batroolka, waxa laga nuugaa dhulka, kadibna waa la sifeeyaa, si uu isticmaal u geli karo. Cadceedda ayaa iyana meelaha qaarkood tamarta laga dhaliyaa.

Dabar Adaweh, Agaassimaha guud ee SIHD

Dabar keyd qaadkiisu gaarayo 370,000 m3, kuna yaal dekadda Doraale, 98% ayuuna howl gala, sababtoo ah waxa kordhay isticmaalka shidaalka Jabuuti iyo Itoobiya ayuu raaciyey.

Dabar, waxa uu ii sharraxay, in si gacan loo siiyo dana sii ballaranaya SIHD awgeed, misana la jaan-qaadaya qorshaha horumarka oo uu madaxweyne Geelle u jeexay dalka, yoolkeennu waa inaan qeybaheenna ganacsiga ka dhig-naa mid dhowr nooca oo kala duwan ah. Innagoo maskaxda ku heynaa taa, ayaan waxan qorsheynnay inaan taabba gelinno mashaariicda soo socda:

  1. Mashruuc keydin oo ballaaran
  2. Warshad sifeysa batroolka
  3. Dhuumaha gaaska qaada, warshad gaaska dabiiciga ah u bedesha ka dareera ah iyo mashruuc keydka gaaska ah
  4. Mashaariidani, waa qaar bilow ah intaa aan ka xaqiijineynno yoolka fog ee madaxweynaha qaranka oo ah in Jabuuti noqoto goob sare, oo dib looga qeybiyo shidaalka geeska

Jabuuti, waxay leedahay dekad shidaalka keydintiisa, dhoofintiisa iyo roggistiisa u gaara, waxana xukuumadda wakiil ugu ah shairkadda (The international Hydrocarbons company of Djbouti-SIHD). Waa sharikad dowladdu leedahay, oo raasumaalkeedu dhan yahay 1 bilyan oo Franka Jabuuti ah, xarunteeduna waa Jabuuti. Mas’uul kama ah oo kaliya, inay daboosho baahida shidaal ee dalka, ee waxay u dirtaa dalalka gobolka iyo kuwa ku sii xiran ee baahi shidaal qaba.

‘Hadafka SIHD, waxa weeye inay hubiso in la helo shidaal qiima macquula lagu iibsado”. Amaanka shidaalka inuu sugan yahay dalka oo dhan, lana hubiyo inuusan go’in oo kala go’o imaan. Kormeernno, si joogto ah qiima uu suuqyada dunida ka joogo shidaalka ceyriin. Inaannu iibinno, oo dunida ka gadnno in Jabu-uti leeday xarun lagu keydin karo shidaalka lagana qeybin karo”, sidaa waxa sharraxay maareeyaha guud ee shirkadda SIHD, Dabar Adaweh, mar aan xafiiskii ku booqannay.

Jbuuti, hadda waxay leedahay buu yiri; Dabar, waa aqoon-yahan shahaadada labaad ku heysta cilmi maamulka iyo maareynta. Waxa uu ka soo shaqeey-ey hey’ado badan oo dowli ah, sida Idaacadda Jabuuti iyo wasaaradda gaadiidka oo dhamaantood maamulka xisaabaadka uu u soo hayey. Waa nin bashaasha, furfuran, ballantana ku fiican, howsha uu hayana jecel inuu gaarsiiyo meel loo aayo.

Waa nin hammi fog le, jecelna howsha muddeeyo inuu waqtigeeda ka hor dhameeyo. Daliilku, waxa weeye, qorshaha madaxweyne Geelle ee ah in 2030ka la dhameystiro keyd shidaal oo kaabayaashiisu u dhan yahay, kuna fillaada dalalka xiriirka la le dekedaha Jabuuti ayuu ii sheegay, Dabar inuu doonayo inay ku dhameeyaan sannadka 2020ka ama 21ka. Waxan rajeynayaa inuu ka dhabeeyo, waqtiguna ku simo.

Related posts

Dubai’s Jobs Vanish at the Fastest Pace in a Decade

warsan

AIRLINES RIP OFF THE SOMALI PEOPLE

warsan

GM foods: The battle for Africa

warsan