The Warsan
Updates

Culimadu may ka hadlaan

Markii culimadu ku boorriso madaxda ama dadweynaha samaynta wanaa-ga ama ay ka reebto xumaanta dad baa qaylo ku dhufta iyagoo leh culi-

madu maxay arrintaan uga hadlayaan may ka hadlaan arrimahaas kale iwm.
Ugu horrayn aynu ogaano inay culimadu fuli-nayaan amar Ilaahay ee aysan ku hawlgalayn waxyaabaha fadhi ku dirirka looga sheekaysto.

Tan labaad iyagaa xilka saaran iyo baahida taagan uga aqoon badan dadka sidaa yeela iyo ha yeelinina ku oranaya.
Tan seddexaad dadka sidaa u hadlaya inay ixtiraam darro ku keceen ka sokow dan

kama leh in culimadu ka hadasho arrimaha ay sheegayaan ee waxay badanaa ugu gabba-nayaan wax ka sheegga Culimada ama difaaca munkarka culimadu ka digayaan.

Ugu dambayn Ibliis wuxuu ku halaagsamay nacaybkii uu nabi Aadam u qabey oo gaarsiiyey inuu amarka Ilaahay diido. Sida muuqata dad badan oo soomaali ah ayaa nacaybka culimadu la galay inay diinta ka horyimaadaan iyagoo is leh Culimada ku xumeeya ee ragow ha ku naar mudanina Sheekh hebel ku xumee darteed.

Related posts

WIIL KU DHASHAY 24 FAROOD

nur