The Warsan
Cover

Bariiska Carruurtayda

 

 

Faadumo Buuni, Hargeysa,

email: libaaxo.77@gmail.com

 

Wednesday March, 2020

Waxan ahay Hooyo haysata toddoba carruura waxay u dhexeeyaan

da’da saddex iyo tobbon jirka iyo saddex jirka. Aabbohood kal saddexaad buu hoyday, halkii loo badnaanna tegay! Godka Eebbe ha u nuuree, wuxuu ahaan jiray Kuuli. Mar wuu heli jiray marna wuu waayi jiray. Keligii kumaan dayn jirin hawsha iyo u soo raadinta bariiska carruurta e’ aniguna waxaan dhinac kale raadin jiray cuntadooda iyo dharkooda waxbarashadu haba danbaysee. Hadda hawshu keli ayey igu tahay. Waxan muddo laba sanno ah iibin jiray muuska, markii se’ deyn badan la igu yeeshay baan faraha ka qaaday. Hadda waxaan haystaa meel lagu iibiyo shaaha waa Aqal-Soomaali yar oo baco badan ka samaysan. Gidaar baan ka dhinac samaystay.

Gidaarka kiro badanbaa la iga qaadaa mararka qaar waxay igu gaadhaa afar billood. Waa garanayaa magaalada billicdeeda iyo badhaadheheedaba. Baylahdeedana cidi ii sheegi mayso. Waanan garanyaa wax kasta oo magaalada qurux badnaysiinaya cidina iiga warrami mayso. Dawladda hoose sidaan fillaayo saddexdii billoodba marbay na duugtaa oo na daad guraysaa, xashiiskana raacisaa dhammaan agabkayaga oo dhan meelna nama geeyaan! Markay maalin ama saddex maalmood naga maqnaadaan waanu soo noqonaa. Annaguna kama daalno askarta naga kala daadinaysa agabkayaga. Qaar naga midaa gura,”Car alaabtayda kala daadi. Ma adaa ku dhaca. Haddaan wiilashaan dhalay kuugu yeedhi waayo fartaad qaadaba ha ku jabiyaane.” Askarta qaar aad bay u naxariis badan yihiin way iska dhaafaan qaarkalana bakoorad bay dabada noo qabtaan. Waa kala duwanaanshaha dadka iyo abuurka dabeecaddoodda.

Gurigayga waxan ka soo baxaa shanta arroornimo, mana ku noqdo inta ay ka gaadhayso siddeedda habbeenimo. Carruurtayda cidi ila ma hayso iyagaa is-haya. Waan ogohay tani inay adagtahay hase yeeshee waxan kaga dhigaa calool adayg waa iyo Alle wehelkii. cid aan ahayn Eebbe kagama tago.

Danta carruurtaydaa gurigayga iga soo saartay, danta carruurtaydaan baa bacadka u fadhiyaa, balaayooyinka qaarna la kulmaa, danta carruurtaydaan u daallanahay markasta. Haddaanan sidaa samaynin qayrkay u baahanayaan gacantana hoos dhiganayaan! Anna tan ma ogoli mana ogolaan doono, mana ogoli inay waxbarasho beelaan. Waxan ogolahay inay gaadhaan meel ka sarraysa halkay gaadheen qayrood dadkooda, dalkooda, diintoodana wax ku soo kordhiyaan. Carruurtaydaan u rafaadsannahay markasta. Dartood waan u daalaa, mana danneeyo diifta dushayda ka muuqata. Haa iyaga waxa kasta oo wannaag badan baan u sameeyaa kelidayna ma ahee Hooyooyinkoo dhan baa ila qaba. Hooyooyinka qaar waxay bariiska carruurtooda ka raadiyaan Muus ay iibiyaan in ku xumaata oo laga iibsan waayana yeelata, marka danbana u dhigta xoolaha.

 

Hooyooyin maantoo dhan gidaar fadhiya oo naawila dad ay u soo shaqeeyaan qaarkoodna waxay fadhiyaan 10 saacaddood! Boodhka, Basaaska dushooda barridsaday iyaga waa busayl waayo baahiday halkan u fadhiyaan baa ka darran. Hooyooyin Shaah kariya maantoo dhanna afuufa dhuxusha iyo xaabada indhaha qiiqa kaaga ilmaysiinaysana u adkaysta. Anna bariiska carruurtaydaan bacadkaa u fadhiyaa oo aan u badheedha balaayo kasta!

 

Faadumo Buuni

Hargeysa

libaaxo.77@gmail.com

Maqaalku, waxa uu hore ugu soo baxay Hadhwanaag media

Related posts

Arab League: US positions leading to elimination of 2-state solution

warsan

New Zealand volcano eruption: Five dead after tourists in crater caught up in explosion

warsan

‘I will kill you’ — Pan-African Parliament descends into chaos after death threat, scuffles

warsan