The Warsan
Cover

Axmed Madoobe: “Aniga Iyo Deni midna ma nebca dawlada, qabiilna isuguma baheysan

19ka Janaayo, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta khudbad u jeediyay Dadweyne kala duwan oo uu kula hadlay Jaamacada bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa amaanay dadaalka dadkii Aas Aasay Goobaha waxbarasho ee dalka gaar ahaan Jaamacada bariga Afrika oo wakhtiyo adag soo garab istaagay Shacabka Soomaaliyeed iyadoo dhinac walba uu dalku ka burburay waxa kaliyah ee shacabka Soomaaliyeed ay ku fara adaygeen ay tahay tacliinta sida uu Madaxweynahu sheegay.

Waxaa Madaxweynahu uu xusay in Waxbarashada dalku uu Wali u baahan tahay in lasii hormariyo si dhalinyarada Soomaaliyeed ay u noqdaan kuwo dhisan oo aduunka la jaan qaada waxaa uu intaas ku daray in loo baahan yahay dadaalka dheeri ah si Dhalinyarada waxbaratay shaqo abuur loogu helo.

Madaxweynahu wuxuu ka hadlay Xiriirka Puntland iyo Jubbaland isagoo sheegay in uu yahay mid taariikhi ah oo labada shacab ay waxyaabo badan wadaagan loona baahan yahay in taas lasii xoojiyo iyadoo xooga la saarayo Hormarka dhaqaalaha amaanka iyo Siyaasada.

Shacabka Puntland ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay sida ay u garab istaageen walaalahood Jubbaland wakhtiyadii adkaa ee ay soo mareen taas oo ah wax looga baahan yahay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed inay ku midooban sidii ay gacmaha isku qabsan lahayeen.

Arimaha Siyaasada ayuu Madaxweynahu sheegay in Puntland iyo Jubbaland labaduba ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Dowlada Federaalka ah balse taas ay ka horayso in la dhowro Dastuurka iyo sharciga dalka u yaala oo qofna aan laga ogolaan inuu siduu doono u dhigo Arimaha Siyaasada dalka ayuu Madaxweynahu sheegay inay u baahan tahay wadajir iyo aragti midaysan oo wax lagaga qabanayo baahiyaha taagan taasna lagu gaari karo wada hadal iyo isku tanaasul.

Amaanka ayuu Madaxweynahu Shacabka Gobolka Bari ugu baaqay inay kala shaqeeyaan Xukuumada Puntland si dhibaatada Argagixisada meesha looga saaro taas oo lagu heli karo in Hay’adaha amaanku ay tageero k helaan shacabka.

Ugu danbayn Madaxweynahu wuxuu xusay in nidaamka Federaalku uu xal u yahay dhibaatooyin badan oo maanta dalka ka jira hadii siduu yahay loo dhaqan galiyo waxaa uu intaas ku daray in hanaanka daadajinta maaamulka iyo in Adeegyada Dowlada meelaha Hoose la gaarsiiyo faa”iidadeeda ay arkeen Shacabka Puntland loogana baahan yahay inay ilaashadaan oo ay sii adkeeyaan.

Related posts

The garden and the jungle – coloniality, knowledge and development in Africa

warsan

African dictators and foreign assets

warsan

Washington announces additional aid package for Somalia, Ethiopia

warsan