The Warsan
Cover

Aqoonyahan Waa kee?

Waxa jira ereyo aynnu adeegsanno oo ku dhammaada codka (yahan). Sida: aqoonyahan, feedhyahan, suugaanyahan  iyo kuwo kale oo fara badan. Haddaba, bal maanta aynnu is-dul-taagno; ereyga aqoonyahan oo ninba si u qeexo!
Beryahan dambe waxa jira erayo ay ummaddu aayar iska tidhaahdo oo afka baarkiisa saaran! Waxana erayada qeexidda u baahan ee la iska caadeystey ka mid ah: aqoonyahan, siyaasi iyo kuwo la mid ah.
Haddaba, haddii aynnu is weydiinno; aqoonyahanow kumaad tahay? Waxa laga yaabaa in aanay jawaabtu u fududayn sida dadka qaarkood u haystaan! Waayo, figradaha laga kala haysto macnaynta ereygan ayaa kala duduwan oo qof waliba sibuu u haystaa?!

  • Dadka qaarkood ayaa aqoonyahanka u haysta, qof iskuul galay oo shahaadad haysta – xataa dugsi hoosana ha ka baxee! Waayo, reerka halka hal inan ama dhawr wiil dugsiga dhexe uga baxeen 1950-1970 naadkii; aqoonyahankoodu wuxu ahaa/ ahaayeen intaa iskuulka uga baxday! Waana looga garaabi karaa marka loo eego intan iskuulka u gashay marka la barbardhigo, intooda kale ee aan waxba dhigan!
  • Dadka qaar kale ayaa ku dooda, in aqoonyahanku yahay qof digirii (degree) qaatay oo jaamacad ka qallinjabiyey – wuxuu doonaba ha bartee! Markaasi, dadka qeexitaankaasi aaminsan; waxa doodooda u sal ah; in uu ruuxu haysto shahaadad jaamicadeed – xataa ayaanu  ku shaqayn wixii soo bartaye! Markaa iyaga, waayo’aragnimadu aqoonta uguma jirto.
  • Dar kalaa ku saleeya aqoonyahannimada, inuu qofku galay waxbarasho rasmi ah (formal education). Qolada sidan ku doodaa, ma aaminsana in culimada diintu yihiin aqoonyahanno! Sababta ay ugu diidayaan aqoonyahannimadana waxa u sal ah: culimada diinta baratay- gaar ahaan kuwii hore- oo ay u arkaan; in aanay soo qaadan waxbarasho toos oo nidaamsan isla markaasina aanay culimadaasi haysan wax shahaadad ah oo muujinaysa heerkooda waxbarasho! Qolyaha sidaasi aaminsanna waxa horseed u ah, qolyihii beryihii hore dugsiyada ka baxay ee loo yaqaaney, Almadarta ama la odhan karo cilmaaniyiintii hore!!
  • Kuwo kale waxa iskaga qasmay labada erey ee aqoonyahan iyo indheergarad (intellectual)! Mana kala saari karaan macnaha labada erey oo aad u kala fog.
  • Haddii aynnu soo ururinno dooduhu way fara badan yihiin oo qoloba meel bay qabsatay ama dhinac bay ula kacday qeexidda aqoonyahanka.

Waxa haddaba isweydiin leh, ragga diinta shiilay ee aynnu aqoontooda ka dheregsannahay xaggee baynu dhignaa? Raggase suugaanyahannada ah ee la arkay sawirrada ay nolosha ka bixiyaan, halkee ayaynu dhigna! Tusaale ahaan u soo qaado qaar ka mid ah raggaasi, Sida: Cabdullaahi suldaan (Timacadde), Singub, Cabdi Iidaan …

Maxaynnuse ka yeellaa, kuwa digiriiyada waaweyn sita ee doolar (American dollar) iyo darajo mooyaan aan wax kaleeto danaynin! Isla markaasina aan dalka ku soo kordhin, waxan muran ahayn! Kuwaasi qaarkood xataa ma yaqaanaan sida loo weysaysto! Marka ay wax cunayaanna, bidixda iyo midigtu waa iskugu mid!

Bal haddaba, adiguba qeexoo, waa kuma aqoonyahan? waa kuma indheergarad? Waa kuma indhowgarad?

Aniga aqoontaydii gaabnayd waxay i tidhi:

Ku arkhri jaanta labatiboodinta ee mooyaha ee Hiyee.

Aqoontii waxay i tidhi, Islaam baa lagugu dhalay

Aqoontii waxay i tidhi, Addoon baad tahay Illaah

Aqoontii waxay i tidhi, rasuulkaagii adeec

Aqoontii waxay i tidhi, asluub iyo edeb lahoow

Aqoontii waxay i tidhi, ayaan uumiyuhu ku nicin

Aqoontii waxay i tidhi, ayaan eex lagugu xaman

Aqoontii waxay i tidhi, ayaan abtirsiin ku hodin

Aqoontii waxay i tidhi, ayaan odaygii iibin

Aqoontii waxay i tidhi, sidii eeyga ha u daslayn

Aqoontii waxay i tidhi, ayaan ubadkaa arradin

Aqoontii waxay i tidhi, ayay ooridaa bukoon

Aqoontii waxay i tidhi, iskuulada ubadka gee

Aqoontii waxay i tidhi, ninkaan Albaqraba aqoon

Aqoontii waxay i tidhi, ashahaado miyuu saxaa?

Aqoontii waxay i tidhi, Ushaa ceel lagu dayaa

Aqoontii waxay i tdhi, ilduufyo horaa jiree

Aqoontii waxay i tidhi, ayaan abriskii ku cunin

Aqoontii waxay i tidhi, ninkaan aabbihii ciseyn

aqoontii waxay i tidhi, adeerkii uma habrado

Aqoontii waxay i tidhi, ninkii iibshaa arlada

Aqoontii waxay i tidhi, aqoonyahan muu gayaa?

Halkaasi ka sii wad.

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: timacadde56@hotmail.com

Related posts

Ruto criticized Uhuru over crippling the economy and complicating life for Kenyans

warsan

Ethiopia tells U.N. ‘no intention’ of using dam to harm Egypt, Sudan

warsan

Ethiopian forces begin offensive on Mekelle, say a diplomat and TPLF leader

warsan